Maayarka Gabiley Mudane Mursal Maxamed Jaamac ayaa maanta kulankiisii ugu horreeyey la yeeshay guud ahaan Culimada Magaalada Gabiley.

Kulankan oo ay ujeeddadiisu ahayd Isbarasho, Is-xog waraysi, Duco Iyo Xoojinta wada shaqaynta ka dhaxaysa maamulka Iyo Culimada magaalada, iyada oo la tixgelinayo kaalinta muhiimka ah ee Culimadu ku leeyihiin hanuuninta bulshada, adkaynta nabadda iyo horumarinta wada noolaanshaha bulshada.

Maayarka waxaa kulankan ku wehelinayay Mudanyaasha Golaha Deegaanka Gabiley, Xil. Cabdiraxmaan Nuur Abokor, Xil. Maxamed Dayib Iyo Xildhibaan Cali Muxumed.

Maayarka ayaa Culimada uga mahadceliyey doorka muuqda ee ay ka qaataan hagidda bulshada Iyo kor u qaadista qiyamka suuban ee Islaamka, Isagoo adkeeyey muhiimadda ay leedahay wada shaqaynta maamulka iyo Culimada si looga wada shaqeeyo danta guud Iyo horumarka magaalada.

Dhankooda, Culimada Magaalada Gabiley ayaa si diirran u soo dhaweeyey Maayarka cusub iyagoo oo ugu duceeyey in Alle SWT xilka Maayarnimada ku asturo, kuna garab galo gudashada masuuliyadda culus ee loo igmaday, isla markaana uu ka dhigo mid Shacabka Iyo Qarankaba waxtar u leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here