Kulanka ayaa masuuliyiinta wasaaradda warfaafinta iyo ururka SOLJA ay kaga wada hadleen wada shaqaynta wasaaradda iyo ururka iyo in warbaahintu meel uga soo wada jeesato wixii wax yeelaya amniga iyo midnimada bulshada Jamhuuriyadda Somaliland.

Ururka SOLJA ayaa wasaaradda warfaafinta ku bogaadiyay wareegtadiu wasaaraddu ka soo saartay dadka aan ruqsadaha warbaahinta haysan ee goobaha dadweynaha ku duuba waxyaabaha aan anshaxa ku bannaanayn iyo ubadka aan qaangaadhka ahayn.

Ururka saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA waxa kale oo uu soo dhaweeyay barnaamijka diwaangelinta warbaahinta dalka oo ay dhawaan bilawday wasaaraddu.

Kulanka waxa dhinaca wasaaradda wasiirka ku wehelinayay agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta, dhinaca ururkana waxa hoggaaminayay guddomiyaha ururka SOLJA.

Waxaana is-af-garad fiican laga gaadhay qodobbada kulanka lagaga wada hadlay oo dhan.