Hargeysa โ€“ Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Xuseen Aadan Cige (Deyr), ayaa sheegay in sannad-guurada 66-aad ee Xornimada Somaliland ay xambaarsan tahay casharro taariikhi ah oo ka turjumaya halgankii dheeraa ee ay ummadda Somaliland u soo martay dib u hanashada qarannimadeeda iyo madaxbannaanideeda.

Afhayeenka oo qoraal caawa ku baahiyay barta X(Twitter), wuxuu sheegay in Somaliland ay ahayd ummaddii ugu horreysay ee Soomaali ee madaxbannaanidooda qaadata, isla markaana calankeeda la dhidbay 26-kii Juun 1960kii.

Afhayeen Deyr wuxuu xusay in shacabka Somaliland ay si iskood ah madaxbannaanidoodii ula midoobeen Soomaaliya, iyagoo raadinayay midnimo Soomaalidii kala duwanayd, balse taa beddelkeeda ay ka dhaxleen caddaalad-darro, takoor, cabudhin iyo tacaddiyo baahsan.

Xuseen Aadan Cige (Deyr) ayaa sheegay in naf-hurka, halganka iyo adkaysiga shacabka Somaliland ay horseedeen dib u soo celinta qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxa kaloo uu intaas ku daray in iyadoo ay soo baxayaan cadaawado cusub oo Laga masuugayo aqoonsiga ay JSL ka heshay Israa’iil, isla markaana kor loo qaaday xidhiidhada caalamiga ah ee Somaliland la leedahay dunida, sannad-guuradani ay xasuusinayso in muwaadin kasta oo reer Somaliland ahi uu waajib qaran ka saaran yahay ilaalinta madaxbannaanida, karaamada iyo mustaqbalka dalkiisa Jamhuuriyadda Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here