Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ee Gobolka Sanaag ayaa si rasmi ah ula wareegtay Maktabadda Dadweynaha ee magaalada Ceerigaabo, iyadoo xaqiijisay in maktabaddu sii furnaan doonto isla markaana ay adeegyada aqooneed iyo wax-akhriska u sii wadi doonto bulshada.
Wasaaraddu waxay sheegtay in tallaabadani qayb ka tahay dadaallada lagu horumarinayo adeegyada waxbarashada iyo kobcinta dhaqanka akhriska, iyadoo bulshada lagu wargeliyey in aan la xidhayn maktabadda, balse la sii xoojin doono adeegyada ay bixiso.
















